Ciidamada Dawlada oo la wareegay degaano cusub

0

Wararka ka imaanaya deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada isbaheysanaya ee Jubbaland iyo Danab ay la wareegen deegaano dhowr ah.

Ciidamada isbaheysanaya ayaa howlgalo waaberigii saaka ka bilaabay deegaanada ku teedsan JIINKA wabiga Jubba, waxaana ay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Jamaame.

Saraakiisha ciidamada hogaaminaya ayaa sheegay in ciidamada ay dagaal kula wareegeen deegaanka Malaayley ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo ku dhow degmada Jamaame, waxaana xiisad dagaal iyo cabsi ay ka taagan tahay degmada Jamaame.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in deegaanka ay la wareegeen Al Shabaab ay ku diyaarin jireen qaraxyada gaar ahaan miinooyinka waddooyinka lagu aaso oo lala bartilmaameydsado ciidamada amaanka.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee la wareegay deegaanka Malaayleey ayaa mararka qaar rasaas ridaya, waxaana wali socday howlgalka laga sameynayo deegaanada dhanka Jiinka wabiga Jubba.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in dhanka Al Shabaab ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaal kooban oo ka dhacay deegaanka Malaayley, balse dhankooda wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan khasaaraha soo gaaray.

Bilooyinkii ugu dambeeyay Jubbaland ayaa waday dadaaladii iyo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan inay Al Shabaab kaga saaraan deegaano badan oo ka tirsan Jubbooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here