Ciidamada DF oo qabtay keydkii hubka Al-Shabaab ee duleedka Muqdisho

0

aliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen keyd weyn oo hubka ah oo Al-Shabaab ay ku leedahay duleedka Muqdisho.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa keydkan oo ku yaalla Ceelasha biyaha ka soo saaray waxyaabaha Qarxa oo badan oo lagu aasay dhowr goobood oo ka tirsan xaafado ka mid ah Ceelasha Biyaha sida Saraakiisha amniga xaqiijiyeen.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska Gen. Zakiya Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay godkan weyn ee hubka tageen kadib markii ay heleen xog.

Zakiya ayaa sheegtay in qaraxyadda la doonaayay in lagu dhibaateeyo Ciidamada dowladda Soomaaliya xilliyadda ay isticmaalayaan Wadooyinka.

Wali lama shaacin In howgalkaasi lagu soo qabtay shaqsiyaad marka laga Reebo waxyaabaha Qarxa.

Ciidanka Dowladda ayaa bilihii ugu dambeeyay Waday howlgallo Ballaaran oo laga sameeyay Magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here