Ciidamada DF Somaliya oo dad shacab ah ku xasuuqay dayniile

0

Ugu yaraan 7 qof ayaa geeriyootay kadib markii Ciidan ka tirsan Dowlada oo sugayay ammaanka goob lagu bixinayay kaarar cunto iyo lacagaba lagu qaato ay rasaas ooda ka qaadeen. Falkan naxdinta badan ayaa ka dhacay xaafada Raaderka ee degmada dayniile magaalada Muqdisho ayaa ka dhashay ciidanka Daraawiishta oo loo xil saaray ammaanka goobtaasi oo isku qabtay kaararkii dadka rayidka loo qaybinayay, taasoo keentay iney rasaas isku furaan xili ay halkaas buuxeen dad shacab ah oo safaf ugu jiray qaadashada kaararka. Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 7 qof, oo laba ka mid ah ay yihiin Ciidanka Daraawiishta, inkastoo ay jiraan warar khasaaraha intaa ka badinaaya. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira haween, ilmo yar iyo oday waayeel ah, iyadoo goobtaasi ay isu bedeshay mar kaliya dhiig, waxaana isbitaalada la geeyey dad aan tiradooda la ogeyn oo ku dhaawacmay rasaastaas.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here