Ciidamada dowlada oo la wareegay degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

0

Ciidamo ka tirsan milateriga Somalia oo dhowaan laga diray magaalada Muqdisho ayaa maanta la wareegay degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayeen xoogag taabacsan Al-shabaab. Wararka ayaa sheegaya ineysan jirin wax dagaalo ah oo ka dhacay degaanka Wabxo, ayna ciidamada dowladu halkaas gaareen iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah. Xoogagii Al-shabaab ee halkaas gacanta ku hayey ayaa isaga baxay markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan, iyagoo u dhaqaaqay degaano kale ee gobolka Galgaduud ay ka joogaan Al-Shabaab. Col. Axmed Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowlada ee howlgalkan hogaamineysay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda ayna ku wajahan yihiin degaano kale. Waxaa uu sheegay in dhowaan Ciidamadan ay isu furi doonaan degmooyinka Xarardheere Xarardheere ilaa Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Sh/dhexe waxaana uu intaa ku daray in ciidamada dowladda iyo AMISOM ayna ka saari doonaan xoogaga Al-Shabaab.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here