Ciidamada dowladda oo la wareegay gacan ku haynta magaalada Marka

0

Wararkii u danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Marka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay goordhaw gudaha u galeen qeybo kamid ah Magaalada Marka. Ciidamadii Al-Shabaab ee gacanta ku hayay magaaada labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa saakay aroor hore isga baxay magaalada kadib markii ay maqleen inay ku soo fool leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom. Ciidamada Milatariga ee la wareegay magaalada Marka ayaa ayaa la sheegay inay yihiin kuwa maalintii shalay ka amba-baxay magaaada Muqdisho, kuwaas oo loogu tala galay in ay awood u adeegsadaan sidii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen magaalada Marka. Xaafadaha qaar ee magaalada Marka ayaa weli laga maqlayaa rasaas goos goos ah, waxaana wali xasilooneyn xaalada magaalada oo malamihii lasoo dhaafay marar kala duwan gacan ku heynteeda ay isku badashay Ciidamada Al Shabaab iyo kuwa dowladda oo taakulayn ka helaya Ciidamada Amisom.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here