Ciidamada Gaashaan oo la wareegay Hoteelka dad badana badbaadiyey

0

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee nabad sugidda qaranka (Gaashaan) ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho oo ay shalay galab weerar is miidaamin iyo mid toos ahi ay ku soo qaadeenay dagaalyahanno taabacsan ururka Al Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay goor dhaweyd u suuragashay inay gudaha Hotelka galaan, islamarkaana ay toogtaan raggii hubaysnaa ee Hotelka ka dhex dagaalamaayay. Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA ayaa sheegay inay ciidamada Gaashaan ay Hoteelka qaybta Sare iyo Qaybta hoosaba ay gacanta ku hayaan oo ammaanka ay xaqiijiyaan. Dad ku go’doonsanaa Hotelka ayaa laga soo badbaadiyay oo Banaanka loo soo saaray sida ay inoo xaqiijiyeen Suxufiyiin ku sugan banaanka Hotelka Ambaasador. Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa lagu daadgureynaya meydad laga soo dhex saarayo Hotelka dhexdiisa iyo dhaawacyo yiilay albaabka gudaha ee hoteelka.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here