Ciidamada Kenya iyo mintidiin ka tirsan Al-shabaab ayaa ku dagaalamay gobalka Jubada Hoose. Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan khsaaraha dagaalkaasi. Ciidamada Kenya waxay sheegeen in weerar gaadmo ah lagu soo qaaday balse ay dileen 21 ka tirsan Al-shabaab iyagana laga dilay 2 askeri. Balse kooxda Al-shabaab waxay sheegtay in ay dishay 12 askeri oo Kenyan ah, laba askerina ay noolasha ku qabatay islamarkaana ay burburisay lix gawaari. Dagaalka waxuu ka dhacay inta u dhaxeeyso Qooqaani iyo Afmadow.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.