Dhegeyso: Ciidamada Khaatumo oo Cali Khaliif ka joojiyey safar uuJabuuti ugu baxsan lahaana xayiraadna saara

0

Buuhoodle- ciidamada Khaatumo ayaa maanta is hor taagay safar uu Cali Khaliif Galaydh ugu baxsan lahaa dalka Jabuuti, halkaas oo uu doonayey inuu kula kulmo xubno ka tirsan maamulka Somaliland.

Ciidamada ayaa horey ugu soo rogay xayiraad socdaal kadib markii ay labo casho ka hor loo diiday inuu tago degaamo gobolka Cayn ka tirsan.

Xayiraada Cali Khaliif ayaa waxa iska kaashanaya Ciidamada Khaatumo, shacabka Gobolka, agoontii iyo naafadii Kalshaale.

Ilaa hada Diyaaradii waxay ku xaniban tahay Garoonka Buuhoodle, Cali Khaliifna waxaa lagu horjoogaa Hotelkii uu deganaa.

Socdaalkan ayaa la filayaa inuu noqdo ii ugu dambeeyey ee uu Buuhoodle kaga baxsado, iyadoo la filayo inuu Jabuuti Hargeysa uga sii gudbo.

Dhegeyso

Xigasho: xaysimo.com

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here