Ciidamada Nabad sugida oo hawlgalo ka fuliyey degmada X/jajab ee gobolka Banaadir.

0

Ciidamada nabad sugida Somalia ayaa xalay saqdii dhexe illaa waaberigii saaka howlgalo balaaran oo dad badan lagu soo xirxiray ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa sheegaya in howlgalka laga sameeyey xaafadaha u dhexeeya buundooyinka Xamar-jabab, Ambulatooriyada Ceelgaab, Suuq yaraha illaa nawaaxiga xerada Afisyooni. “Ambulatooriyo Ceelgaab, Buundooyinka illaa xerada Afisiyooni waxaa taagnaa gaadiidka qafilan ee ciidamada, Luuq walbana askari hubeysan ayaa ka soo jeeday xaafadahana guri guri ayaa loo baaray” sidaas waxa yiri goob jooge ku sugan degmada Xamar jajab. Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay saaka gaadiid shabaqlayaal ah oo laamiyada taagnaa ku gureen dhalinyaro farabadan oo looga shakisan yahay iney falal amaan daro ku lug leeyihiin kuwaasoo ay ku soo qabqabteen howlgaladan. Ciidamada ayaa intii uu socday xayiray gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee isticmaali jiray wadada isku xirta buundooyinka Baraako Cabdow, Ansalaooti illaa suuqa Beerta. Ma jiro war ku saabsan howlgaladan oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada nabad sugida iyo madaxda wasaarada amaanka Qaranka.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here