Ciidamada Nigeria oo boqolaal Shiico ah ku dilay waqooyiga Zaria

0

Hay’adda xuquuqal insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay inay hayso caddaymo cusub oo muujinaya waxa ay ku tilmaantay dilal wadareed ay ciidanka Nigeria ka gaysteen sannadkii hore magaalada woqooyiga ku taallla ee Zaria. Laakiin af-hayeen u hadlay milatariga ayaa yidhi warbixintu ma dheelitirna. Hay’adu waxay sheegtay in goob-joogayaal ay sharaxaad ka bixiyeen sida ciidammada dawladda ay noolasha ugu gubeen una toogteen caruur shiica ah. Amnesty waaxay aaminsantahay in ka badan 300 oo qof ay ciidammadu dileen, iskuna dayeen in ay qiriyaan caddaymaha ka marag furaya tacaddiyadaasi.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here