Ciidamada Puntland oo Khasaare kala kulmay dagaal saaka ka dhacay degaanka Dixin ee G/Sool

0

Dagaal ayaa Saaka ka bilowday duleedka deegaanka Buuro-wadal ee gobolka Sool, Kadib markii ay duulaan Kusoo qaadeen Halkaasi Ciidamo kasoo duulay magaalada Garoowe, Kuwaasi oo Qorshahoodu yahay Dhulboob, Waxaana deegaankaasi Maalmihii ugu danbeeyay siwayn looga dareemay Xiisad dagaal. Dagaalka ayaa wuxuu dhexmaray Dadka Deegaanka ee Kasoo Jeeda Gobolka Sool iyo Ciidamo kasoo duulay magaalada Garoowe, waxaana khasaare xoogle la gaadhsiiyey Ciidamadii ka socday Puntland. Dadka degaanku waxay xaqiijiyeen in laga gubay hal baabuur oo dhagaal iyo booyad la dhaawacay. Dad aanu Garoowe kala xidhiidhnayna waxay noo sheegeen dhimashada hal ruux iyo mid dhaawac ah. Ciidamadii Garoowe ka soo duuley oo saaka la kulmay jab xoogan ayaa iminka ku sugan meesha la yiraahdo yoocada ama xuduuda Gobolka Sool iyo Nugaal. Dhegayso qaar ka mid ah Dadka deegaanka Gobolka Sool oo la hadlay Warbaahinta. https://youtu.be/cTN03Wgqc9o]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here