Ciidamada Somaliland iyo Jabhadda xoraynta degaannada SSC oo ku dagaalamay Tukaraq

0

Wararka ka imaanaya tuulada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaasi dagaal kooban ku dhexmaray ciidamada militariga Somaliland iyo jabhadda xoraynta degaannada SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug.

Dad ku sugan gudaha Tukaraq ayaa sheegay in koox hubaysan oo ka tirsan jabhadda SSC ay xalay weerar saddex jihaa ku soo qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee Tukaraq inkastoo sida ay sheegeen markii dambe dib loo celiyay kooxdii weerarka soo qaadday.

Dagaalka oo mudda socday ayaa waxa ka dhashay khasaare aan si faahfaahsan loo ogayn balse saraakiil ka tirsan Jabhadda Xoreynta Degaamada SSC ayaa sheegtay inay Ciidamada Somaliland u geysteen khasaare gaadiid, dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ciidamada Somaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa intaasi kadib saaka weeraray saldhig Ciidamada Puntland leeyihiin, waxaana dagaal koobani uu ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo Somaliland kaas oo sababay dhaawaca labo askari oo ka tirsan ciidamada Puntland halka mid kalena uu ku naf waayey dagaalkaasi.

Ciidamada dagaalkani kaga dhintay Puntland ayaa ahaa ciidamo ka tirsan kuwa madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash, waxaana dhanka Somaliland la sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira la gaadhsiiyey intii uu socday dagaalkaasi.

Xiisadaha u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ee jiida Tukaraq ayaa saaka kacsan, waxaana xili walba qarxi kara dagaal hor leh.

Jabhadda la baxday xoraynta SSC oo uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ayaa inta badan weerarro gaadma ku qaadda ciidamada Somaliland ee jooga degaannada gobolka Sool gaar ahaanna tuulooyinka Gambadhe iyo Tukaraq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here