Ciidamo puntland oo tababar Loogu Qaadi Doono Xerada Tababarka Milateriga Turkiga ee Muqdisho

0

Iyadoo ay socoto dib-u-dhiska ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed, ayaa waxaa Guud ahaan degaamadda puntland ka bilaabanaysa diiwaangalinta Askar ka tirsan ciidamada Puntland oo tiradoodu gaarayso 3,000, kuwasoo tababaro loogu qaadi doono xerada tababarka ciidamada ee turkigu ka hirgaliyay Muqdisho. Dhamme C/raxmaan Shiikh Cumar(Jeeni qaar) oo ah u qaabilsanaha dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee Puntland oo ka warbixiyay safar uu ku yimid Caasimadda Garoowe, wuxuu sheegay uu u yimid  sidii uu u diiwaan galin lahaa 3,000 oo askari oo loo furi doono dhowaan tababaro. wuxuu sheegay intii uu joogay puntland uu la kulmay Madaxweynaha dowldda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Guddigii wada diiwaan galinta ciidamada tababarka loo furi doono. “ Ciidamadan waxaa tababarkooda looga furi doonaa gudaha dalka gaar ahaan xarunta tababarka ciidamada Soomaaliya ee dhowaan turkigu uu ka hirgaliyay magaaladda muqdisho” ayuu yiri dhame jeeni qaar oo intaas sii raaciyay in dhalinyarada ay fursad uga bannaan tahay inay ka miq noqdaan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, oo ka faa’iidaystaan tababaradaasi. Wuxuu xusay in ciidamadaas tababarka loo furi doono laga wada diiwaan galin doono guud ahaan maamulada dalka ka jira waxa uuna intaas kudaray in ciidamada marka la tababaro ay kamid noqon doonaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya laguna dabooli doono baahiyo kasta oo dhanka ammaanka ah ee uu dalka qabo. “ Dagaaladii soo noqnoqday ee ka dhacay Galkacayo ma dhaceen haddii ay joogi lahaayeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo isku dhaf, cooladana waxaa abaabulaya dad aan ka fakarayn mustaqbalka degmada” ayuu yirraaciyay Gabagabadii,17 sanno ee la soo dhaafay waxay dowladihii kumeel gaarka ahaa iyo dowladii u dambaysay ee Xasan shiikh ay ku guuldaraysteen inay dhisaan Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo isku-dhaf ah, ilaa iyo hadda ma cadda qaabka iyo habka loo midaynayo ciidamada kala duwan ee ka dhisan caasimadda muqdisho iyo goboladda kale ee ay ka taliyaan maamul goboleedyadu Goojacade NEWS BOARD Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here