Ciidanka dowlada iyo AMISOM oo Alshabaab kala wareegay saldhig ay ku lahaayeen duleedka B/weyne

0

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa shaaca ka qaaday inay maanta si nabad ah kula wareegeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Ceel hele, oo qiyaastii 50-Km dhanka bari kaga beegan magaalada Beled weyne. Dhame Muuse qurux oo ka mid saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalkaasi ayaa xaqiijiyay inay xoogaga Al-shabaab halkaasi kaga carareen saanad Millitery oo isugu jirta, hub culus iyo mid fudud, 100 teendhooyinka ciidamada ah iyo raashiin fara badan. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhoweyn diirran kala kulmeen shacabka halkaasi ku dhaqan, maaddaama ay dhibaato ku hayeen bulshada halkaasi ku dhaqan. Ciidamada dowlada iyo AMISOM ayaa looga bartay iney maalmo ka dib ka soo baxaan meelaha ay ka qabsadaan Al-shabaab ee ku yaalla hareeraha magaalada B/weyne.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here