Ciidanka dowlada iyo AMISOM oo la wareegay degaanada Ceelbaraf iyo Caadley

0

Milatariga Soomaaliya iyo ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ayaa Al-shabaab kala wareegay Degaano ay ka mid yihiin Ceel-baraf iyo Caadley oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe. Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Cali Baashi Xaaji Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada isgarabsanaya ay gacanta ku dhigeen Degaanada Ceel-baraf iyo Caadley oo in mudo ah ay Al-shabaab maamulayeen. Abaanduulaha ayaa intaa ku daray in Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Dagaal la’aan kula wareegeen Degaanadasi. Cali Baashi Xaaji Maxamed ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay howlgalada dalka looga saari doono Xarakada Al-shabaab Meelaha ay ka joogaan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here