Cisalayeey cidi kuuma soo socoto

0

Waxay ku dhalatay miyiga deegaanka soomalidu degto waxay ku waynaatay gabadhnimo xoolaha hadii loo diro way lumaan dheriga way gubtaa adhiga ma maasho magaceeda waxaa la yiraahdaa cisalay had iyo goor way dudaysaa waana kaligeed habeenkii laguma karo soo seexo waalidkeed ma maqasho khaati billaahi baa laga istaagay. Maalintii danbe baa iyada oo kadaloobta ardaaga guriga dhurwaa qaatay cisalay ayaa waxay ku hadaaqday aaboow hooyooy iyo waxaan waligeed afkeeda laga maqal reerkii ayaa ku soo toosay qayladhaantii Odaygii ayaa ka war helay waxaa qaylinayaa inay tahay cisalay oo dhurwaa sii sito, odaygii aabeheed ahaa si fudud ayuu ugu jawaabay cisalayeey cidi kuuma soo socoto ee geed qabso waxaadba moodaa inuu dhurwaaga ku bogaadinayo shaqada uu gurigiisa ka qabtay. Dawlada federaalka ahi waxay soo dhowaynaysaa hadalkii dhowaan ka soo yeeray madaxda khaatumo. kuwaas oo muqdisho diyaaradi ka soo qaatay dhowaan, taas oo keentay buuhoodle Muqdishana waxa ay u hayso khaatumo oo kaliya inay tahay cisalayeey cidiba kuuma soo socotee geed qabso oo micneheedu yahay adiga leee waaye. la soco qaybta labaad ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here