COL. FALAALUG: Inta Somaliland ay taaka SSC ka mid ah joogto dagaalka waan wadaynaa

0
Hoggaamiyaha jabhadda dib u xoraynta Khaatumo Col. Faysal Falaalug oo caawo wareysi gaar ah siiyay Channel-ka lagu magacaabo Buuhoodle News ayaa ka warbixiyay weerar ay jabhaddiisu laba habeen ka hor ku qaadday ciidamada Somaliland ee fadhiya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Col. Falaalug ayaa sheegay in uu khasaare dhimasho iyo dhaawac leh gaarsiiyay ciidamada Somaliland ee ku sugan Tukaraq islamarkaana uu ka gubay gaadiid dagaal balse sida uu hadalka u dhigay ay Somaliland qarisay khasaarihii ku dhacay.

Sidoo kale wuxuu beeniyay in ciidamada Puntland ay ku lug-lahaayeen dagaalka dhexmaray jabhaddiisa iyo ciidamada Somaliland inkastoo uu xusay in jabhaddiisa iyo Puntland xiriir ka dhexeeyo maadaama sida uu sheegay dadka degaanku ay Puntland wax ka dhisteen.

Waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada Somaliland ay gadood sameeyeen kadib markii ay u dulqaadan waayeen weerarro is-xigay oo jabhaddiisu ku qaadday.

Ugu dambeyntii Col. Falaalug ayaa ku hanjabay in uu sii laba-jibbaarayo weerarada ka dhanka ah ciidamada Somaliland inta ay taako ka joogan gobolada Sool Sanaag iyo Cayn.

DHEGAYSO

https://youtu.be/Qegblj461-w
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here