C/Qaasim Salaad Xasan oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu soo magacaabo Raysalwasaare lagu wada qanco

0

MUQDISHO- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa soo dhaweeyay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee baarlamaanka ay ku doorteen madaxweynaha cusub.

Wuxuu sheegay in looga baahan-yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare lugu qanco.

“Waan soo dhaweynaya doorashada Farmaajo, waxaa looga baahan yahay dhisida dowlad dhaxal-gal ah iyo inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare ay dadku ku wada-qancaan,”ayuu yiri Cabdiqaasim oo madaxweyne loo doortay sanadkii 2000.

Doorashadii shalay ka dhacday Muqdisho ayaa si weyn looga soo dhaweeyay dalka iyo dibadda,waxaana ay noqonaysa doorashadii labaad ee lugu qabto gudaha dalka tan iyo burburkii dowladii hore.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here