DHEGEYSO CUMAR CABDIRASHIID OO QAYLO AFKA KA FURTAY FAROGELIN DAWLADO DERISKA AHI KU HAYAAN DOORASHADA SOOMAALIYA

0

MUQDISHO:- Raysal wasaaraha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay go’aan ka dhan ah faro gelinta dowladdaha dariska ku hayaan arrimaha doorashada Soomaaliya. Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid oo madaxtooyada shir jaraa’id ku qabto ayaa sheegay inay la socdaan in wadamada darisku ay maamul goboleedyada ku cadaadinayaan inay u codeeyaan murashixiin gaar ah oo ay dano gaar ahaaneed ku wataan. Wuxuu sheegay raysal wasaare Sharma’arke inay arrintaasi si weyn uga digayaan islamarkaana ay dhaawac weyn ku tahay dowladnimada Soomaaliya iyo rajada shacabka Soomaaliyeed ka qabaan inay helaan dowlad ku timaada rajada shacabka Soomaaliyeed. Qaylo dhaanta Sharma’arke ayaa kusoo beegmaysa xilli ay ka gubteen labo kaadh oo uu Soomaaliya xilal kaga raadsan jirey kuwaas oo kala ah: In uu baari u noqdo madaxweynayaasha uu la shaqeeyo ee xilalka raysal wasaaraha u magacaaba iyo in uu xidhiidh balaadhan la leeyahay beesha caalamka iyo wadamada deriska la ah Soomaaliya. Dhegeyso https://youtu.be/tKquRFtHsQo]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here