Cunug darbijiif ah ayaa shalay subax ka saaray mushkiladda dareewallo gawaari ku xanibmay halka ay iska gooyaan labo waddo magaalada Nairobi. Wariyaha BBC Cabdinuur Aden, ayaa ka qaaday sawiro wiilka da’ada yar ee darbi jiifka ah oo gawaarida kala hagayay ku dhowaad labo saacadood magaalada Nairobi. Wuxu joojinayay gawaarida hal jid ka imaaneysay si kuwa kale u gudbaan, kaddibna wuxuu fasaxayay kuwii uu joojiyay isagoo celinayay kuwii hore uu u fasaxay, taasi oo suurgal ka dhigtay in dadka aysan ka daahin shaqadooda. Tallaabada uu qaaday wiilka yar, ayaa ka yaabisay dareewallo badan oo badi u arka carruurta darbi jiifka kuwa dhibaato ah, maadama ay ka tuugsadaan lacag sida uu sheegay wariyaha BBC-da.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.