Daawo Addis Ababa bamgacmeed lagu weeraray masaajid iyo 24 qof oo ku dhaawacantay

0

Mid ka mida masaajida ugu waaweyn ee Magaalada Addis Ababa ayaa lagu weeraray waxyaabaha qarxa. Qaraxa waxa uu ka dhashay Bam gacmeed la sheegay in lagu weeraray masjidka weyn ee Anwar ee ku yaalla xaafadda Markaato ee magaalada Addis ababa, waxaana ku dhaawacmay 24 ruux oo u badnaa dadka masjidkaasi ku cibaadeysanaayay. Xubno ka tirsan Dowlada warbaahinta u sheegay in aanay wax dhimasho ahi aanay jirin. Qaraxa ayaa waxaa la soo warinayaa in Masjidkaasi uu ka dhacay xili ay dadka kasoo kala baxeen Salaada Jimco, waxaana halkaasi ka socday xiliga uu weerarka dhacaayay munaasabad diini ah oo ay dhigayeen maamulka Masjidka. Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaasi, ciidamada amaanka ayaana wada baadhis ay ku raadinayaan. DAAWO SIDA QARAXU U DHACAY https://youtu.be/ybwVSMRR_ZA Video2 https://youtu.be/zfoOEQfWQ6U ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here