DAAWO: Al-shabaab oo soo bandhigtay Askari Kenyanti ah oo muddo maxbuus ahaa iyo Codsi uu diray

0

Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Muuqaal la daawan karo muddo 7 daqiiqo waxaana kasoo muuqanaya maxbuus Kenyaan ah oo lagu qabtay dagaalkii sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Muuqaalka waxaa kasoo dhex muuqanaya David Ngugi Wataari, oo ka tirsanaa Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM islamarkaana ka Tirsanaa guutada 120-aad ee madaafiicda, waxaana uu ku dhashay gobalka Kiyaambu ee dalka Kenya, sida uu sheegay.

Askarigaan u dhashay dalka Kenya ayaa fariin u diray Dowladiisa iyo qoyskiisa waxa uuna ka codsaday in ay ka shaqeeyaan sidii looga badbaadin lahaa gacanta Al-shabaab oo horey u dishay Askar u dhalatay dalalka Burundi iyo Uganda

“Waxaan doonayaa in aan hadalkeyga ku soo gaba-gabeeyo fariin aan u dirayo marwada koowaad Margret Kenyatta. Waxaad tahay Hooyadeena, Adiga ayaana kugu tiirsanahay. Madaxweynaha waxaa laga yaabaa in uu yahay qof mashquul badan laakiin waxaan adiga kugu boorinayaa in aad marwaliba xusuusiso in uu askar u soo diray Soomaaliya, Qaar iyaga ka mid ahna la qabtay oo ay noqdeen maxaabiis. Hadaad marwaliba ku celceliso oo aad sidaas u xusuusiso arinteena, ma hilmaami doono. Waxaan kaa codsanayaa in aad madaxweyaha ku booriso sidii uu kaga shaqeyn lahaa sii deynteena.” Ayuu Yiri isagoo fariin u diray Xaaska Madaxweynaha Kenya.

“Markale waxaan heystaa fursad aan idinkula hadlo hadaad tihiin dadka reer Kenya, anigoo dalbanaya caawinaadiina,Sidaad ogtihiinba, 15-kii bishii January ee sanadkii la soo dhaafay Waxaa magaalada Ceel-cadde nagu soo weeraray Al-Shabaab kuwaas oo ugu dambeyntii saldhigeena la wareegay, qaar badan oo saaxiibadeena ah wey dhinteen, Anaguna Al-Shabaab ayaa gacanta nagu dhigay, anagoo maxaabiis dagaal ah”, ayuu yiri David Ngugi Wataari.

Dowladda Kenya wali kama aysan hadlin maxbuuska ay ka haystaan Al-shabaab.

Halkaan ka daawo Muuqaalka.

 

https://youtu.be/bgWuxombfv0

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here