Daawo "Baranbaradu kursiga Boqorka waa fuuli kartaa hoygeediise maaha"

0

Wasiirkii hore ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Eng. Maxamed Faarax Aadan oo haatan ku sugan gudaha magaalada Buuhoodle ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey qaar ka mid ah saxaafada. Maxamed Faarax Aadan oo ugu horeynba ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidamada Somaliland ay kawadaan qaybo kamid ah goboladda Sool iyo Buuhoodle ayaa sheegay in wixii dhib ah ee degaamadaas ka dhaca ay masuuliyadeeda qaadan doonaan masuuliyiinta Somaliland. Eng. Maxamed Faarax ayaa wuxuu dhaleeceeyey Dr. Cali Khaliif Galaydh oo uu sheegay in uu cilmi leeyahay laakiin caqligii meesha ka maqanyahan, isagoo ku maahmaahay (CILMIGA HA LAGUU DHIGEE CAQLIGA KAASHO BAA LA YIRI). Wuxuuna cadeeyey inuu fashilmay oo aan hal xafiis aanu sameysan. Geesta Eng. Maxamed waxaa uu sheegay in reer Buuhoodle ku guuleysteen Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay laakiin ninka booska qabsaday uu yahay wax ma tare wuxuuna ugu maahmaahay (BARANBARADU KURSIGA BOQORKA WAA FUULI KARTAA LAAKIIN HOYGEEDII MAAHA). https://youtu.be/dAvxkpTzdwA]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here