Daawo cadaaladda Somaliland iyo sida loo jir dilay Xaaskii Wasiirkii hore Fagadhe (Sawirro)

0
xaaskii fagadhe1

Ciidamada Amaanka ayaa magaalada hargeysa Jir dil ba’an ugu geystay xaaskii Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Dibada Maxamuud Saalax Nuur ( Fagadhe) oo lagumagacaabo Caasho Buraale.

Caasho Buraale oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn oo qaar saxaafada ka mid ah la hadashay ayaa ka warantan sidii sharcidarada iyo arxan darada ahayd ee loola dhaqmay ama loo jir dilay iyo cadaalad darada ay Somaliland kala kulantay.

Dhowaan ayey ahayd markii sidan oo kale loo xirtay Cismaan Qawdhan oo isna ka soo jeeda Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo intii uu Madaxweyne Muuse xilka qabtay ay kor u kacday taxadiyada siyaasiyiinta degaamada SSC ka soo jeeda, iyadoo xitaa la gaaray in xildhibaan Dhakool oo aan xasaanada laga qaadin uu mudo jeelka ku jiray.

Xubnihii Cismaan Qawdhan xirtay oo ayaa ku sheekeeyey inay ogolaansho ka soo qaateen xubno sarsare, taas oo kuu cadeynaysa in qofka xilka hayaa uu sharciga ka sareeyo.

Daawo Video iyo Sawiradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here