Daawo Cali Khaliif oo Golihiisii wasiiradu ugu baaqeen inuu iscasilo maxay qiil uga dhigeen

0

Golaha wasiirada maamulka Khaatumo ee uu Cali Khaliif Madaxda ka hayaa ayaa ugu baaqay inuu iscasilo oo dib ugu laabto meeshii uu ka yimid iyo qurbihiisii. Wasiiradu waxay Madaxweyne Cali Khaliif ku eedeeyeen inuu ku fashilmay hogaankii loo doortay islamarkaana uu ka leexday dariiqii loo igmaday. Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa saxaafada u sheegay inay lama huraan tahay in Cali Khaliif uu ku dhiirado iscasilaada, islamarkaana ay sharaftu ugu jirto, maadaama uu nin weyn yahay, isagoo ku daray hadii uu doonayo inuu Somaliland la heshiiyo xor buu u yahay isagoo shaqsi ah oo aan cidna metelin. Shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa kala noqday kalsoonidii ay ku qabeen, wuxuuna isu bedelay qar wareeg ku dhuumaalaysta Xuduudka Itoobiya. Cali Khaliif oo aqoonyahan Cilmi gaaleedkiisu aad u sareeyo, waxaa lagu tilmaama inuu yahay dadku ugu aqoonta badan geyiga Soomaaliya, laakiin weligii xil loo igmaday sanad ka badan ma uusan hayn, mana dhameystirin. Derajooyinka sarsare ee uu soo qabtay waxaa ka mid ah. Raiisal Wasaare Soomaaliya: sanad buu ahaa. Xildhibaan: Sanad buu ahaa Wershadii sonkorta: Sanad buu kaga baxasaday. Khaatumo Sanad buu hayey degaankii dhana waa iska horkeenay, hadana 95% kalsoonidii wey kala laabteen. Daawo Eedaymihii Wasiirka iyo Baaqii inuu iscasilo. https://youtu.be/8akJ6d0iRC4]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here