Daawo Cali Khaliif oo ku hanjabaya xasuuq shacab kana dhabeeyey

0

Cali Khaliif Galaydh oo ah ninka sheegta Madaxweynaha Khaatumo ayaa Buuhoodle kaga hanjabay inuu bilaabi doono dagaal Maatadoox ah oo lagu qaado dadka Reer Guuraaga ah ee ka soo jeeda Burco. Cali Khaliif ayaa markii meel walba uu ku soo fashilmay wuxuu si toos ah u guubaabiyey dadka reer guuraaga ah iyo shacabka Buuhoodle isagoo fartay ugu fiiqay inay MAATO-DOOX KU SAMEEYAAN dadka reer guuraa ah ee ka soo jeedaa Beesha Burco ee soo daaq tegay, kuwaas oo degan hareeraheeda Magaalada Buuhoodle oo ay cawskii wada daaqayaan walaalahooda kale. Cali Khaliif ayaa markii uu guuldaraystay, oo meelwalba ka soo xidHantay ayuu xoogiisii isugu geeyey siduu u abuuri lahaa dagaal qabiil oo Maato-doox isu bedela oo ka dhaca jiida Ceerigaabo ilaa Buuhoodle. Todobaadkan waxaa degaanka Caroweyn ee degmada Buuhoodle ka tirsan ka dhacay fal aad u fool xun oo lagu dilay 2 nin oo reer Guura ah, halka mid kalena dhaawac culus loo geystay, taas oo muujinaysa in Cali Khaliif kaga dhabeeyey guubaabadii iyo balanqaadkiisii uu ku sheegay inay dadka shacabka ah Maatodoox ku sameyn doonaan. DAAWO CALI KHALIIF OO SHACABKA FARTA UGU FIIQAYA DAGAAL QABALI AH IYO MAATO-DOOX ISAGOO QIIL KA DHIGANAYA SOMALILAND. https://youtu.be/V0jWo0nNwD8]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here