Daawo: Ciidanka Buuhoodle oo ogolaaday in Galaydh ka dhoofo Buuhoodle kadib codsi uga yimid Cuqaasha degaanka

0

Buuhoodle- Ciidanka amaanka Buuhoodle oo maanta u diidey Cali Khaliif Galaydh iyo wefti uu wato in ay ka dhoofaan Buuhoodle ayaa galabta goor gaaban u ogolaaday in ay ka dhoofaan halkaas. Ogolaanshaha dhoofitsaankaas ayaa ciidamadu ku tilmaameen in ay ku aqbaleen codsi uga yimif Cuqaasha Buuhoodle. Ciidamada ayaa sheegay in aanu Galaydh kasoo degi karin garoonka wixii maanta ka danbeeyana aanay u ogolaan doonin in uu ka dhoofo sidaasna ay kula heshiiyeen odayaasha. Weftiga Cali Khaliif Galaydh oo ogolaanshihii kadib ka safri kari waayey Buuhoodle kadib markii qoraxdu u dhacday welina ku sugan Buuhoodle ayaa Dalja Djibuti kaga qayb geli lahaa shir halkaasi ku dhexmari lahaa Iyaga iyo maamulka Soomaliland oo ay dhowaan ku biireen. Daawo Ciidanka Buuhoodle [video width="400" height="224" mp4="http://goojacade.com/wp-content/uploads/2017/02/Buhodle-galydh.mp4"][/video]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here