Daawo C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo loogu baaqay inay Muqdisho isaga soo baxaan

0

Xildhibaan Saciid Diiriye Maxamed, oo kamid ah baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ugu baaqay in madaxweyne C/welli Gaas iyo Axmed Madoobe isaga tagaan magaalada Muqdisho, maadaama fikradooda aan laga tixgelinay, wuxuuna taageeray in qaab deegaan lagu soo doorto xildhibaanada imaanaya sanadka soo socdo. Saciid ayaa siyaasiyiinta koonfurta Soomaaliya ku eedeeyey inay baabi’iyeen dalka, hadana ay doonayaan in dib loogu laabto nidaamkii ummada Soomaaliyeed kala qeybiyay ee 4.5. “Anigaa wax bi’iyey ee khaladka ha la igu raaco ama haddaan wax kale keenayaa wax lagu hadlo maahan, qofkii aan Qaabka degmooyinka doonayn oo aan degmaba lahayn dee inuu doorasho doonaba maahan, ma qof meel cidlaa daggan baa jira, dalku waa qaybsan yahay oo gobol gobol iyo degmo degmo ayuu u qaybsan yahaye, ma cid cirka daggan baa jirta, qof walba degmaduu kasoo jeedo buu wax ku qaadanayaaye” ayuu yiri Xildhibaan Siciid Diiriye Maxamed. Labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayuu sheegay in looga baahan yahay iney isaga soo baxaan magaalada Muqdisho, “Wakhti yuu idinkaga Lumin Meesha, dad baa idin doortay, Alle wa idinkula xisaabtamayaa, waxaa wax Bi’iyey waa dadka Koonfur Jooga” DAAWO: https://youtu.be/M6wJSd1uJzg]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here