Daawo “Dilaaga Wariyaha” sida AlShabaab ay u qaarijiso wariyeyaasha

0

Warbaahinta qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan Taleefishinka Qaranka ayaa waxa uu soo diyaariyay barnaamij lagu baarayo dilalkii kala duwanaa ee loo gaystay wariyeyaashii ka howl gali jiray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u shaqayn jiray warbaahinta dowladda iyo warbaahinada kale ee sida gaarka ah loo leeyahay. Barnaamijkan oo loogu magacdaray “Dilaaga Wariyaha” ayaa waxaa lagu waraysanayaa oo wax ka daadihinaya Horjoogihii Ururka Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka wariyeyaasha Xasan Xanafi. Xasan Xanafi ayaa ahaa ninkii fulin jiray dilalka qorshaysan, ama soo xero galin jiray wariyeyaasha la doonayo in la qaarijiyo, iyadoo qaar kamid ah wariyeyaashani iyo Xasan Xanafi ay ahaayeen Saaxiibo. DAAWO WARBIXIN DHAMEYSTIRAN: https://youtu.be/xydjJ-FXL7Q]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here