Daawo Gabdho Hargeysa ugu xidhan Dhar Buluug ah oo ay ku labisteen

0

Afar Gabdhood oo aad u da’a yaryar ayaa in ka badan 3 bilood Hargeysa ugu xidhan dhar midabkiisu buluug yahay oo xeer ilaalinta dawladu ku tilmaantay in uu u egyahay calanka Soomaaliya. Gabdhahan yaryar oo dhowaan maxkamadda la horkeenay ayaa loo waayey wax cadaymo ah oo tilmaamaya in ay eeda loosoo jeediyey galeen maadaama aanu jirin qodob sharci ah oo u yaal Somaliland oo dembi ka dhigaya xidhashada dharka buluuga ah. Qareenka u doodayey gabdhahan oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in hablahaas oo wax dambiya lagu waayey maxkamaduna amartay sii dayntooda dib loogu celiyey xabsiga kadib markii xeer ilaaliyaha dawladu uu sheegay in uu xukunka rafcaan ka qaadanayo, taas oo qareenku ku tilmaamay sharci darro. Qaar ka mid ah waalidiinta gabdhan oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay gabdhahoodu wax dembi ah la hayn, muddona sharci darro ay u xidhnaayeen. Iyago ka codsaday maamulka Somaliland iyo hay’adda Xuquqda aadamaha in ay arinta wax ka qabtaan, gabdhahoodana loosoo celiyo xoriyaddoodii. Talaabadan Maamulka Somaliland qaaday ayay ka muuqataa cunsuriyad aan caalamka lagu arag iyo nacayb ay u qabaan Soomaalnimadda. Sidoo kale waxay arintani ka maragfuraysaa Tayo xumadda maamulka ka jira Somaliland iyo ku dhaqan la’aanta sharciga. Daawo Video https://youtu.be/hiNxF6FdJBI]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here