Daawo Garaad Saleebaan oo wacad ku maray inuu Puntland la dagaalamayo hadii Xildhibaanada Ugaadhyahan la dhaariyo

0
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah Garaadka guud ee Beesha Maxamuud Barri ayaa wacad ku maray inuu Puntland la dagaalamayo oo Somaliland la soo safan doono haddii Xildhibaanada Beesha Ugaadhyahan oo si musuq maasuq ah loo gudbiyey la dhaariyo.

Magacyadda Xildhibaanada uu dalbadey Garaadku inaan laga dhaarin waxaa kala yihiin.

1. Saadiq Abshir Garaad,   2. Keyse Cawil Cali Boobe ,  3. Axmed Yaasiin Cabdi,  4. Cabdi Siciid Kafad  iyo  5. Ismaaciil Cabdi Abtiile.

Garaadka ayaa eedeeyey gudidii Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Puntland oo dad aanu soo qorin gudbiyey, kuwii sharciga ahaana ka tegay.

Garaad Saleebaan ayaa digniin culus u diray dhamaan Bulshada Puntland qaybaheeda kala duwan.

DAAWO:

https://www.facebook.com/1722832937795159/videos/220132682250590/
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here