Daawo Garaadka Bahararsame oo si caato ah Imaraadka loogu soo dhoweeyey, Habarjeclona eedeeyey

0

Garaadka Bahararsame Garaad Jaamac Garaad Cali oo beryahanba ku sugnaa Imaaraadka Carabta ayaa soo dhoweyn caato ah u sameeyaan qaar ka mid ah Jaaliyadaha wadankaasi, kadib xaflad taageerayaashiisu soo abaabuleen ay ka soo qaybgaleen dad tiro yar oo qoysnimo ku yimid. Soo dhoweyn caatada ah ee Jaaliyadaha SSC ee Imaraadka Carabtu waxay muujinaysaa sida kalsoonidii loogala laabtay ama aan loogu dhameyn kooxda Saaxdheer ee ay hogaamiyaan Cali Khaliif oo garaadku si aan kala hadh lahayn u taageero. Garaadku wuxuu cadeeyey in lacagtii qurbajoogtu bixin jireen ay istaageen oo maamulkoodii socon waayey, taas oo ku timid kadib markii Qurbajoogta Sool iyo Sanaag kalsoonidii kala noqdeen kooxda Saaxdheer iyo wixii taageersan, islamarkaana dhaqaalihii beenta ahaa ee Cali Khaliif Hoteelada ku seexan jiray joojiyeen. Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay inuu ka xunyahay Shirqool Xamar loogu dhigay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed. Soo dhoweyn la’aanta ayaa laga yaabaa inay waxweyn ka bedesho qorshe la doonayo in Cali Khaliif lacag loogu ururiyo, iyadoo la filayo in Garaadku socdaal lacag ururin iyo taageero u raadin Cali Khaliif ah ugu baxo wadamada reer Galbeedka, inkastoo ay yartahay rajada laga qabo isbedel ku yimaada Qurbajoogta ka soo jeeda Sool iyo Sanaag oo ahaa Isha dhaqaale ee kooxda Cali, hadana kalsoonida ka xayuubiyey. DAAWO GARAADKA OO U KHUDBADEYNAYA TAAGEERAYAASHIISA: https://youtu.be/y83vEIzreKM]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here