Daawo Jaaliyaddaha Khaatumo oo G11 ku eedeeyey in ay Puntland u shaqaynayaan Khaatumona burburinayaan

0

Qaar ka mid ah Jaaliyaddaha Khaatumo ee qurbaha ku nool ayaa odayaasha G11 ku eedeeyey in aymaamulka Puntland u shaqaynayaan isla markaana ay Khaatumo burburinayaan. Odayaasha G11 oo 18kii bishan Maarso shir xagga telefoonka ah kula hadlay qaybo ka mid ah qurbojoogta Khaatumo ayaa si xoog leh uga soo horjeestey sida uu Madaxweynaha Khaatumo u hogaaminayo maamulka uu madaxda ka yahay iyo in uu Somaliland ku milmay. Eeda loo jeediyey odayaasha G11 ee ah in ay Puntland u shaqaynayaan ayaa ah mid ay iyagu hore ugu eedayn jireen dadka fikirkooda kasoo horjeesta ee reer Khaatumo. Eedaynta Puntland waa meesha ugu fudud ee madaxda iyo siyaasiyiinta Khaatumo ay fikirkooda kaga dhaadhacsan karaan shacabka SSC. Qurbajoogtu waxay kaloo ku eedaysay Odayaasha G11 in ay Khaatumo burburinayaan, gole la baxay Guurtida oo aan Dastuurka Khaatumo ku jirina ay si khasab ah ku samaysanayaan. Aqoonsiga ismagacaqbida G11 ee golaha Guurtida Khaatumo ayaa ku adkaatay odayaasha G11 oo aad moodo in ay yihiin ARKI JIREY DOON maadaama ay hore iyagu xilalka isugu magacaabi jireen markiibana loo aqoonsan jirey. Dhegeyso Jaaliyaddaha Khaatumo https://youtu.be/83DhmWZQLWc]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here