Daawo Liibiya oo Tahriibayaasha lagu kala iibsanayo laguna Adoonsanayo

0

Liibiya- Hay’adda socdaalka caalamiga ah ee IOM oo la hadashay qaar ka mid ah dadkii la iibsaday ayaa sheegtay in shabakad ka kooban kooxo hubeysan iyo mukhalisiin ay ay dadkani geeyaan suuqyo muhaajiriinta lagu iibiyo. Muhaajiriinta xirfadaha leh ayaa la sheegay in lagu kala iibsado lacaga badan, sida uu BBC-da u sheegay madaxa hay’adda IOM. Dadkani waxay sheegeen in xoog loo haystey laguna khasbay inay shaqeeyaan. Dadka qaarkood ayaa lagu khasbay in ay wacaan eheladoodii si ay lacag u soo diraan. IOM waxay sidoo kale sheegtay in dadka la garaaco, la faraxumeeyo halka qaarkoodna la khaarijiyay. Waxaa la sheegayaa in qalalaasaha ka taagan Liibiya ay u fududeysay shabakadaha inay u hwolgalaan si fudud. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Liibiya ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey jiritaanka dhacdadan. Isagoo shegay in la kala iibsado, la adoonsado, la jidhdilo, la faraxumeyo, amaba la dilo. Taasna ay ugu wacan tahay meelaha dadkaas lagu haysto oo aanu maamul ka jirin. Daawo Video https://youtu.be/Q73QDDxTr9s]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here