Daawo Muuse Suudi: "Wasiirka qaraxa iyo ka qaraxa sheega ayaa dawladda laga siiyey beeshayda"

0

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa Shaki galiyay la Sii Shaqaynta Dowladda Fadaraalka Soomaliya isagoo tusaalaynaya arimo Badan oo ku saabsan Dowladda Talaabooyin ay ku Dhaqaaqday. Waxana Senator Muuse Suudi uu shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaliya ay sii adag tahay in lala Sii Shaqeeyo madama dowladdu si gaar ah ay isku dayday in degano dhawr ah laga cuuryaamiyo meelo badan oo horumar iyo dhaqaale uu ka soo gali lahaa. Wuxuu soo hadal qaaday nidaamka awood qeybsiga dalka oo uu tilmaamay in Hishabelle awalba uu qaladka jiray, waxana uu tusaale usoo qaatay wasiirada Hirshabeelle laga siiyay xukuumadda Kuwaas oo kala ah midka qaraxyda lagu qabsado oo uu ula jeedo wasiirka amniga iyo midka qaraxyada sheega oo uu isagana ula jeedo wasiirka warfaafinta in la siiyay waxaana uu shaaciyay in maamuladda kale la siiyay min seddex wasiir. Isagoo arimahaasi ka Sii Hadlayay ayuu si Kulul u Canbareyay Talabooyin badan oo dowladda ay qaaday, talaabooyinkaasi oo u shegay in intooda badan ay u badnaayeen in gobalo gaar ah horumarka laga cuuryaamiyo. Waxana uu ka dalbaday madaxda qaranka in dalka iyo dadka si siman loogu wada shaqeeqo oo aan cid gaar ah la isisiinin. DAAWO MUUSE SUUDI https://youtu.be/fBVNqBVbbU8]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here