DAAWO NIN KUFSADAY GABADH 6 JIR AH OO LASOO BANDHIGAY

0

CADAADO- Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah maamulka Galmudug ayaa markii ugu horeysay lagu soo bandhigay gabar aan qaangaar ahayn oo aad u da’ yar isla markaana uu kufsaday askari ka tirsan ciidamada Milateriga qeybta 21-aad.

Gabadhaan oo magaceeda la qariyay ayaa da’deeda lagu sheegay 6-sano jir, waxaana adeerkeed oo lagu magacaabo Feysal Daahir uu warbaahinta u sheegay in xaaladda caafimaad ee gabadha tahay mid halis ah.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa iyagu ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan askarigaas, iyagoona ku xiray saldhigga Booliska magaalada Cadaado oo sheegay in askarigaasi la hor geynayo sharciga.

Falkaan oo dhacay habeenimadii taariikhdu ahayd 29-ka bishaan, ayuu sheegay adeerkeed inay si weyn uga naxeen falka lagula kacay gabadhooda, iyadoo shacabka ku dhaqan magaalada Cadaado ay si weyn uga naxeen dhacdadaasi.

Falalka noocan ah ayaa mudooyinkii danbe kusoo badanayey Soomaaliya.

Hoos ka daawo

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here