Xisbi xaakimka Somaliland ee Kulmiye ayaa iminka noqday mid maalinba qaybi luqdo, oo ay muuqato in shacabka Somaliland dhabarka u jeediyeen, kadib markii ay ku hungoobeen hantii ay u qabeen. Xisbiga Kulmiye oo sanadihii ugu dambeeyey ahaa mid maalinba maalinka ka dambeysa sii luminaya taageerada shacabka, ayaa hilfaha sii qaaday kadib markii ay kusii kala qaybsameen doorashadii Musharaxa Madaxtinimada doorashada soo socota. Dhanka kale shacabka Awdal ayaa ku qulqulaya Xisbiga WADDANI oo dadka badankiisu u arkaan rajada Somaliland. Daawo Digarogasho ka dhacday Borame: https://youtu.be/n3SzJESjF0s]]>