Daawo sawirada Erdogan oo waraaqihii aqoonsiga ka gudoomay safiirka Somaliya Sanbaloolshe.

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa waraaqihii aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Soomaaliya u magacowday dalka Turkiga. Safiir C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga bishii May ayaa bedelay Safiirkii hore Maxamed Sheekh Mursal oo muddo saddex sano ahaa safiirka dalkaas. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa xafiiskiisa ku soo dhoweeyay Danjiraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo Danjiruhu uu gudbiyay Mr Erdogan dhambaal uu kaga siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Turkiga ayaa waxay xaruntiisa noqon doonaa magaalada Ankara ee Caasimada Turkiga, halkaasoo ku taalo xafiiska Safaaradda Soomaaliya. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan leh, iyadoo dowladda Turkiga ay ka qeyb qaadatay mashaariicyo laga hirgeliyay Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, wixii ka dambeeyay sanadkii 2011, xilligaasoo Turkiga u soo gurmaday Soomaaliya. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Soomaaliya yimid labo jeer, waxaana ay markii u dambeysay ay aheyd horaantii bishii Janaayo, xilligaasoo uu xariga ka jaray qeybta cusub ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isbitaalkii Digfeer oo isaga loogu magac daray. Dowladda Turkiga ayaa ka duwan dowladaha iyo hey’adaha taageera Soomaaliya, iyadoo taageeradeeda ay tahay mid toos ah, waxaana Muqdisho ay ku leedahay Safaarad ay ka dhisatay agagaarka Xeebta Liido oo dhowaan lagu wado in howlaha dhismaha ee ka socda la soo gaba gabeeyay. [gallery td_gallery_title_input="Erdogan iyo Sanbaloolshe" ids="3119,3120,3121"]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here