Daawo Sawirada :Hotel ay dagi jireen Hogaamiyaasha iyo Saraakiisha Daacish oo lala wareegay

0

Ciidamada Dowlada Ciraaq ee weerarka ku galay magaalada Mosul ayaa la wareegay goobo muhiim ah ay heesteen Kooxda Daacish, waxa ayna Ciidamada wali dagaal kula jiraan dagaalamayaal ku harsan qeybo kamid ah magaalada Mosul. Ciidamada Ciraaq iyo Maleesgiyaadka wehliya ayaa la wareegay Hotel weyn oo kuyaala magaalada Mosul, Hotelkan ayaana ahaa mid inta badan degi jireen Hogaamiyaasha iyo Saraakiisha Kooxda Daacish ee u badnaa Ajaaniibta. Hotelkan oo ahaa Shan Xidigle ayaa lagu magacaabi jiray Ninewah Oberoi Hotel hasa ahaatee Kooxda Daacish ayaa markii ay la wareegtay Magaalada Mosul gacantana u galay Hotelkaasi ayaa waxa ay ula baxeen magac kale oo ahaa Hotelkii la dhaxlay. Ciidamada Ciraaq ayaana hada si buuxda ugu haya gacanta Hotelkaasi ay degnaan jireen Madaxda Kooxda Daacish, waxa ay sidoo kale Kooxda Daacish la wareegeen xarumo iyo goobo kale oo kuyaala magaalada Mosul. Xafiiska Shabakada Goojacade.com Muqdisho Somalia Goojacadewebsite@gmail.com

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here