Daawo Sawirada: Shaambo loogu magac daray Farmaajo oo soo gashay Suuqyada Muqdisho

0

Magaca Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa noqday mid si weyn ugu faafay bulshada Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan tan iyo waxii ka dambeeyay 8-dii bishii Febraayo xiligaas oo loo doortay Madaxweyne. Madaxweynaha oo ahaa nin taageero badan ku dhax lahaa bulshada Soomaaliyeed ayaa noqday mid ay sii bartaan dad badan oon horey u aqoon siiba caruurta aadka u yar yar oo hada xifdiyay magaca Madaxweynaha Soomaaliya. Magaalada Muqdisho waxaa dhawana lagu arkayay caagag yar yar oo kuwa biyaha mooyo saxaha ah oo lagu soo qoray Magaca Madaxweyne Farmaajo, waxaa sidoo kale caagaga biyahaasi ku dhagnaa Sawirka Madaxweynaha. Suuqyada Muqdisho waxaa hada soo galay shaambo lagu qoray magaca Farmaajo sidoo kale sawirkiisa lagu soo dhejiyay, Shaambadan ayaana ah mid lagu farsameeyay gudaha magaalada Muqdisho, waxa ayna hada yeelatay suuq fiican. Waxaa sidoo kale laga yaabaa in magaalada soo galaan alaabo kale oo wata magaca Madaxweyne Farmaajo, ganacsatada ayaana ah kuwa inta badan soo sameeya alaabo ay ugu magac daraan qofka ay dareemaan in shacbiyad uu leeyahay.  Xafiiska Shabakada Goojacade.com Muqdisho Somalia Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here