Daawo sawiro Dawladda Japan oo 56 Baabuur ku wareejisay Booliiska Somalia

0

Dalka Japan ayaa Gaadiid casri ah oo tiradoodu gaarayso 56 Baabuur oo loogu talagalay inay fududeeyaan shaqada ciidamada booliska ku wareejisay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Munaasibad lagula kala wareegayey oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, Taliyaha ciidamada Booliska iyo Saraakiil kale oo katirsan Dowladda Federaalka. Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya ayaa munaasabada ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Booliska Soomoaliya in lagu wareejiyo gaadiidkan casriga ah. wuxuuna yiri “Waxaan dowladda Japan uga mahadcelineyaa sida ay u caawiyaan ciidanka booliska Soomaaliyeed, marar badan ayay ciidanka ugu deeqeen gaadiid, waxaana ka fileynaa in goor dhaw ay nagu soo wareejin doonaan dhar ciidan.” [gallery td_gallery_title_input="Deeq Japan" ids="2943,2942,2941"]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here