Daawo Sawiro Video Maraykanka oo Waddooyin loogu magac daray Soomaali iyo magaalada ee Taleex

0

Gudoomiyaha Degmada 6’aad Mudane Abdi Warsame ayaa ogaysiinaayo mujtamaca Somaaliyeed inay kasoo qaybgalaan daahfurka wadooyinka Somali Street, Oromo Street iyo Taleex Ave sabtida inagusoo foodleh ee September 12, 2015. Wadooyinkaan ayaa lala mataanayn doonaa jidadka 4th street, 6th street iyo 16th Ave oo ku yaala xaafada Somaalida degantahay ee Cedar Riverside. Tan iyo inta uu xilka la wareegay bilowgii 2014, gudoomiyaha degmada 6’aad mudane Abdi Warsame ayaa u qoondeeyey $6 million dollar dayactirka wadooyinka xaafada Cedar, balaarinta wadooyinka lagu lugeeyo (Pedestrian Side Walks) iyo talaalka nalal (Street and pedestrian lighting) shaaracyada xaafada Cedar Riverside. Mudane Abdi Warsame ayaa sidoo kale meel mariyey xeer cusub ee magacyada Somali Street, Oromo Steet iyo Taleex Ave loogu wanqalaayo wadooyinka xaafada Cedar Riverside. “Qowmiyad waliba raadkeeda ayay ku reebtaa dalkaaan, aniguse waxaan doonayaa in ilmahayna ay dareemaan in magaalada Minneapolis iyo dalkaanba ay wax ku leeyihiin,” ayuu yiri mudane Abdi Warsame. “Waxaan ugu talagalay inaan ku xuso jiritaanka qowmiyadaha ku abtirsado Bariga Africa iyo waxyaalaha wanaagsan ay kusoo kordhiyaan magaaladaan Minneapolis,” ayuu ku daray Mudane Abdi Warsame. Si kastaba ha ahaatee, waa markii u horayse ee loogu magacdaro wadooyin Somali Street, Oromo Street iyo Taleex Ave dalkaan Mareekanka. Munaasabada daahfurka ayaa dhici doonto Sabtida September 12, 2015, saacada 1:00pm. Hoos Ka Daawo Video iyo Sawirada;- https://youtu.be/r_KdJsRRZRw oromo-sttaleex-Avsomali-st ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here