Daawo Sawiroda C/weli Gaas oo Muqdisho u dhoofay ciidamo xoog lehna kaxaystay.

0

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka dhoofay magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Gaas ayaa ku wajahan Muqdishu oo ka furmayo Barri shir looga hadlayo doorashada 2016 oo ilaa hadda la caddayn qaabka ay noqonayso. Gaas waxaa safarkiisa ku weheliyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, saaraakiil kale iyo ciidamo xoogle oo waardiyeeya, taas oo dad badani garan la yihiin sababta ku kalifaysa. Gaas ayaa markii uu ka dhoofayey la hadlaye saxaafada waxaana uu yiri “Dabcan waxaan shacabka Puntland u cuntamin shirka kasoo qaadi mayno qorshahayagu waxa weeyaan in mowqifka Puntland cadyahay, Somalina u cadyahay beesha caalamkana u cadyahay” Magalada Muqdisho waxaa Axadda ka furmaya shir looga hadlayo doorashada dalka Somalia ka dhici doona 2016, waxaan maanta la filayaa inay tagaan Xamar masuuliyiin ka socota maamullada kale ee dalka. Shirka Muqdishu waxaa madaxweyne Gaas caadaadis ku saaray inuu ka qayb galo beesha calaamka, horay Barlamanka Puntland waxay ku sheegeen kalfadhigii dhawaan soo xirmay inaysan dowladda Puntland shir la gali karin madaxda Somalia illaa la saxo waxyaabaha faragalinta lagu sameeayay oo Dastuurku ka mid yahay. HOOS KA DAAWO SAWIRADA [gallery td_gallery_title_input="Gaas dhoof Muqdisho" columns="4" ids="3164,3165,3166,3167,3168,3169,3170,3171,3172"]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here