Daawo Sawirrada Alshabaab oo markii ugu horraysay soo bandhigtay sawirrada weerarkii AMISOM Askarta badan looga dilay ee Jannaale

0

Kooxda Al-shabaab ayaa warbaahinta u soo bandhigtay Qaybta koowaad Sawirradii ugu horreeyay ee Weerarkii ay Lix maalmood ka hor ku qaadeen Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen Degmada Jannaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo sida la xaqiijiyey AMISOM looga dilay in ka badan 50 askari. Mu’asasada Al-kataa’ib oo ka mid ah meelaha baahiya sawirrada iyo muuqaalada Al-shabaab ayaa soo saaray Sawirro dhowr ah oo sida muuqata laga soo jaray Muuqaal la duubayey intii uu weerarku socday. Sawirrada ka muuqda Al-shabaab oo toos u tooganaysa Askar AMISOM ka tirsan gaar ahaan kuwo Dowladda Uganda u dhashay, iyagoo toos ula wareegay Saldhiggii ay weerareen Taladaadii 01 September 2015. Al-shabaab oo markiiba Jannaale dib uga baxay ayaa sidoo kale AMISOM ka qabsaday Kaydad Hub oo fara badan sida Sawirada ka muuqata. [gallery columns="4" td_gallery_title_input="Weerarkii Janaale ee shabaab" ids="2808,2833,2832,2831,2830,2829,2828,2827,2826,2825,2824,2823,2822,2820,2819,2818,2817,2816,2815,2814,2813,2812,2811,2810,2809"] ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here