DAAWO SAWIRRO:DOORASHADII KU CELISKA AHAYD EE KENYA OO BILLAABATAY IYO AMNIGA OO LA ADKEEYAY

0

 Amniga Guud ee dalka Kenya ayaa aad loo adkeeyay, xilli ay saakay ka bilaabatay guud ahaan deegaannada dalkaas doorashadii ku celiska ahayd ee madaxweynenimada, taaasoo uu qaadacay Isbahaysiga mucaaradka ah ee NASA.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo raadinaya in mar labaad xilka loo soo doorto ayaa dadka ugu baaqay inay codeeyaan Ammaankana ilaaliyaan. Halka Hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga oo ka haray doorashada ku celiska ah ayaa ku baaqay in taageerayaashiisu aysan codaynin. Sidoo kale, Kenyatta ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashadii 08-dii Ogoosto, balse waxba kama jiraan ayaa laga soo qaaday ka dib markii lagu helay “wax isdabomarino”. Goobaha codaynta ayaa albaabada loo furay 6:00 aroornimo ee Sakaay oo Khamiis ah, iyadoo goobaha Cod-bixinta qaarkood la soo sheegayo in weli ay xiran yihiin oo aan la furin. Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Kenya, Wafula Chebukati ayaa horay u sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, ka dib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay. Ciidammo tiradoodu gaarayso 10,000 oo askari iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka Kenya ka tirsan ayaa loo daad-gureeyay Goobaha cod-bixinta si ay u sugaan ammaanka goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo. Dhanka kale, Uhuru Kenyatta oo dadka ugu baaqaya in ay codeeyaan ayaa sheegay in awawyadood ay u soo dagaalameen una dhinteen xaqa in dadka Afrikaanka ah ay codkooda dhiibtaan. Waa in aynaan ku dhiiranin diiditaanka dhaxalkaas ayuuna sii raaciyay. Ugu dambeyn, Toddobaadkii hore xubin sare oo Guddiga Doorashada ee Kenya ka tirsan ayaa u carartay Maraykanka ka dib markii ay la kulantay hanjabaad. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here