Daawo Shacabka Degmada Xuddun "Cali Khaliif nama metelo Saaxdheer iyo Qorilay meeshuu doono ha la aado""

0

Odayaasha iyo waxgaradka degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa cadeeyey inay kalsoonidii kala laabteen Cali Khaliif Galaydh, iyagoo sheegay in aanu metelin. Odayaasha ayaa waxay ka hadleen fitnada uu kula dhex wareegayo degaamada SSC iyo dhibaatooyinkii uu geystay. “Cali Khaliif inuu maanta qorilay ku soo ururo isagana waa u sharaf dhac, dhulbahantena waa ku ceeb sidii loogu hanweynaa” ayey yiraahdeen. Shacabka Degmada Xuddun waxay carabka ku adkeeyeen in Cali Khaliif Galaydh uusan ku matalin degamada iyo beelaha kasoo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn. “Cali Hadduu Saaxdheer iyo Qorilay cid kula heshiinayo anagu kuma haysano” ayey hadalkii ku soo koobeen. Daawo Baaqii Odayada https://youtu.be/E0_gukpZDW0]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here