Daawo sidii loo qarxiyay iyo ninkii qarxiyay diyaaraddii Daallo Airlines (VIDEO)

0

Waxaa ina soo gaaraya warar Faah faahsan oo ku saabsan Qaraxii lagu dhex fuliyay diyaaradii Daallo Airlines oo ay maalintii talaadadii bishuna ay ahayd 2 feberaayo uu nin Laptop loo dhiibay uu isku qarxiyay diyaaradda Gudaheeda, Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal haya ninkani oo magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Cabdisalaan Boorleh Waxay Warbaahinta Caalamka iyo kuwa gudahaba heleen Xog (MUUQAAL) ku saabsan qaabkii loo fuliyay qaraxii ka dhacay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines, isla markaana la soo bandhigay Muuqaalka ragii iyo Laabtoobkii lagu qarxiyay gudaha Diyaarada Daallo. Waxaana sidoo kale la sheegay in Saraakiil ka tirsan Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ay fududeeyeen gelitaanka Laptopka gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isla markaana la soo bandhigay qaabkii loo Fududeeyay. DAAWO VIDEO1: https://youtu.be/dqS1gYoGiJc DAAWO VIDEO2: https://youtu.be/64lcNsidMaQ ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here