Daawo Siyaasi Cabdi Waranjaan: Puntland waxay gacanta u gashay dad aan waxba kala socon sidii lagu dhisay oo aan u damqanayn"

0

Siyaasi Cabdi waranjaan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Puntland, xubin baarlamaana ka noqday dawladihii ku meelgaadhka ahaa ee Soomaaliya ¬†ayaa ka hor yimid hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku saabsan kordhin lagu sameeyo baarlamaanka Puntland oo iminka ka kooban 66 Xubnood oo asaaskii Puntland 1998 lagu qaybsaday hab goboleed ka kooban 5 gobol. Madaxweyne Gaas wuxuu kordhintan sal uga dhigay beelo aan baarlamaanka Puntland wax ku lahayn oo intooda badani kasoo jeedo Gobolka Mudug oo maamulka Galmudug qayb maamulo. Tabashada beelaha uu Madaxweyne Gaas sheegay ayaa loo baahnaa in lagu xalilo hab qaybsiga heer goboleed ee beelaha gobolkaas wada dega maadaama qaybta baarlamaanka Puntland ee 66 xubnood ahi ku salaysan tahay qaab gobol. Inkastoo Md. Gaas soo jeedinta kororka ku sheegay tabasho qabiil hadana Xogo hoose oo laga helayo dad Madaxweyne Gaas ka ag dhow ayaa sheegaya in fikirka kororka tirada baarlamaanka Puntland ay madaxweynaha ku keliftay labo arimood oo kala ah:- 1. Damac qabiilaysan oo uu ku doonayo in tirada xildhibaanadda Waqooyiga G/Mudug oo iminka ah 11 xubnood uu ku gaarsiiyo ugu yaraan 18 Xubnood taas oo aad uga badan saamigii ay G/Sool iyo Buuhoodle baarlamaanka ka heleen 1998 oo ahayd 15 Xubnood. 2. Culays iyo dabokariixid ay ku hayaan shakhsiyaad wakhtigan ka mid ah baarlamaanka Puntland oo aan rajo dambe ka qabin in ay mar dambe baarlamaanka ugu soo noqdaan habkii ay hore ugu soo galeen oo meerto ahaa, kororkana ku doonaya hab qabiileed ay ku joogtaysan karaan ama kusoo noqon karaan. Siyaasiga Cabdi Waranjaan oo ka mid ahaa ergadii Puntland asaastay 1998 ayaa sheegay in xaaladda Puntland ay maanta meel xun marayso, taladeeduna ay gacanta u gashay dad aan waxba ka ogeyn sidii lagu dhisay isla markaana aan u damqanayn. Soo jeedinta Madaxweyne Gaas ee kordhinta baarlamaanka ayuu Waranjaan ku tilmaamay hadal la iska yiri oo aan waxba ka socon doonin. Isagoo Md. Gaas xusuusiyey in 1998 baarlamaanka lagu qaybsaday Gobolo, haddii tabasho jirtana loo baahan yahay in gobol waliba hoos isaga raadiyo. Siyaasi Waranjaan ayaa waraysi uu warbaahinta siiyey Janaayo 2017 si xoog leh ugu dhaliilay golayaasha Puntland oo uu ku tilmaamay kuwii ugu liitay ee abid Puntland soo mara, isla markaana ugu baaqay Madaxweyne Gaas in uu is casilo. Inta badan shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland ayaa diidmo kala hor yimid hadalka Madaxweyne Gaas, kuna tilmaamay “AASKII PUNTLAND”. Oo beryahan dambe midnimadii lagu asaasay liidatay. DAAWO SIYAASI WARANJAAN https://youtu.be/EhQn-xHK8g0]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here