Daawo Siyaasi C/risaaq Khaliif Axmed Dawdar "Dawladdu waxay ku fashilantay in ay dalka hogaamiso

0

Siyaasiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed Dawdar oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ee kasoo jeeda gobolka Sool, xilal wasiirnimona kasoo qabtay Maamulka Somaliland ee uu Siilaanyo hogaamiyo ayaa Dawladda Somaliland ku tilmaamay mid ku fashilantay in ay dalka hogaamiso ayna la gudboon tahay in ay iscasisho. Siyaasi C/risaaq oo taageero balaadhan ku leh degaanadda SSC ayaa ka mid ahaa xubnihii wasiiradda ahaa ee iska casilay xilalkii ay hayeen kadib markii xisbigii uu wakhtigaas ka tirsanaa ee Kulmiye ay musharaxa madaxweyne u doorteen Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna ku biiray Xisbiga Wadani oo uu xubin firfircoon ka yahay. Cabdirisaaq Khaliif wuxuu kaloo ka mid ahaa xubnihii guusha balaadhan ee ay talada Somaliland ku hanteen Xisbiga Kulmiye uga soo hooyey Gobolka Sool. Wuxuuna wakhtigan taageetadii uu ku lahaa gobolkaas ula wareegay xisbiga Wadani. Daawo dhaliisha uu Dawladda Somaliland u jeediyey. https://youtu.be/kh4xSTdXVXM]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here