Daawo Siyaasi Guuleed oo eedeeyey Mulkiilaha Somcable iyo Cable Sool oo weli xaniban

0

Siyaasiga Guuleed Daahir Samater ayaa si adag u eedeeyey Mulkiilaha Shirkada Somcable Maxamed Aw Siciid oo ah ninka uu u xidhan yahay Cable Internetka ee Somaliland. Maxamed Aw Siciid ayuu ku eedeeyey inuu hawada ka saarayo website wax ka qora Musharaxa Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiga Kulmiye, iyadoo ay ugu dambeysay website ka Somalilandlive. Maxamed Aw Siciid waa Mulkiilaha Shirkada Somcable ee loo xanibay Cable kale oo Ganacsato Reer Sool leeyihiin oo Laascaanood dusheeda lagu horjoogsaday loona diiday in Magaalada la soo gesho, iyadoo shacabka degaankaasi ay Muuse Biixi ka codsadeen inuu wax ka qabto Cable duleedka Laascaanood lagu hortaagan yahay, laakiin ay nasiib daro noqotay in Ninka dhan ee doonaya in uu shacabkaas codkooda helo uu dheg u jalaqsiin waayo codsigii ay u soo gudbiyeen, kana door biday xidhiidhks Ina Aw Siciid. Haddii uu hirgalo qorshaha Ina Aw Siciid ee kiligiis lahaanshaha Internetka Somaliland, waxaa sahlanaanaysa in sifo sharci daro ah ama cid gaar ah loogu adeego, sidoo kalena ay meeesha ka baxdo xoriyada Macbiilka. Cable Degaanka Higladda ee Gobolka Sool lagu hortaagan yahay wuxuu dan u yahay dhamaan Umadda Reer Somaliland, si ay u helaan ganacsi xor ah iyo tartan xalaalba ah. Shabakada xaysimo.com ayaa rajeynaysa in iyada lafteeda hawada laga saaro, maadaama ay ka hadashay dulmiga iyo kala soocda ganacsatada. DAAWO SIYAASI GUULEED: https://youtu.be/XK7LvYs9zp8]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here